Af Somali

Mid ka mid ah madaxda Xarunta Cilmi Baarista iyo Wada Tashiga (CRD) ee magaaladda Muqdisho, Jibril Ibraahim Cabdulle, oo ay BBC-du waraysatay ayaa waxa uu ka warramay dhibaatooyinka horyaalla dowladda la filayo









KULANKA KOOX-QARAMEEDKA EE BARNAAMIJKA CILMI BAARISTA

CRD / WSP International

Muqdishu 3 – 4 Luulyo 2004

Xarunta Cilmi-baarista iyo Wada-tashiga “CRD”,oo gacan saar la leh hay’adda Beelaha Dagaalladu Burburiyeen (WSP International), waxay in muddo ah soo wadday barnaamij cilmi baaris ah, oo ka socday gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ujeeddada barnaamijka waxay ahayd in cilmi-baaris lagu sammeeyo waxyaabaha fududeyn kara ama caqabad ku noqon kara dib-u-dhiska Soomaaliya, dagaalladii sokeeye ka dib.

Hir-gelinta barnaamijkaan, waxaa sal-dhig u ahaa cilmi baareyaal Soomaaliyeed oo iskaashi buuxa la sammeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Laga soo billaabo bishii Jannaayo 2002, koox Cilmi-baareyaal ah, oo ka socda xarunta “CRD”, ayaa safar ku soo kala bixiyay, inta badan, kow iyo tobanka gobol ee koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Waxay soo mareen dhul balaaran, iyagoo la soo kulmay in ku dhaw 13,000 qofood. Dadkaas tirada badan, ee ku dhaqan dhulka baaxaddaas leh, waxay si toos ah iyo si dadbanba u soo bandhigeen dareenkooda, dhibaatada baahsan ee ku habsatay iyo waxyaabaha loo aaneyn karo in ay sababeen.

Riix Halkan Sawirka oo Weyn

Xarunta Cilmi-baarista iyo Wada-tashiga “CRD”, iyadoo adeegsaneysa habka cilmi-barista laga wada qayb-galo (Participatory Action Research), waxay qabaneysaa kunlanka ujeeddada sare ku xusan.

Ujeeddada ugu weyn ee kulankaan waa in dadka Soomaaliyeed, ee cilmi-baaristaani khuseyso si buuxda uga baaraan degaan xogta cilmi baarayaashu soo ururiyeen, codna ku lahaadaan talooyinka ugu dambeeya ee ka soo bixi doona cilmi baarista.

Cilmi baaristu waxay diiradda saartay, muddadii ay socotay xog ururinta

1- Dib-u-dhiska Siyaasadda
Dib-u-heshiisiinta
Qaabka xukunka
Ammaanka


2. Dib-u-dhiska Dhaqaalaha
Dhibaatada ay dagaalladu u geysteen bulshada
Kaabayaasha dhaqaalaha (Economic infrastructure)
Gaareynta (Privitization)

3. Dib-u-dhiska Bulshada
Dhibaatada Bulsho ee dagaalladu geysteen (Social Cost of War)
Gudbinta iyo fududeynta Adeegga Bulshada (Social Service Delivery)

4. Arrimaha Haweenka
Saammeynta dagaallada sokeeye ku yeesheen haweenka
Isbaddelka doorka gabdhaha Soomaaliyeed

Ka qayb-galeyaasha kulanka, waxay ka kala iman doonaan dhammaan gobolladii la soo booqday muddadii ay cilmi baaristu socotay. Muddada labada maalmood ah, ee kulanku socdo, ka qeyb-galeyaasha waxaa loo soo bandhigi doonaa filimo iyo xog laga soo ururiyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, iyagoo fursad u heli doona in ay:

Wax cusub, oo bulshada muhimad u leh, ku kordhiyaan xogta la soo ban-dhigay.
Ka reebaan, wixii ay isku raacaan, in aaney bulshada muhiimmad u lahayn.
Isku raacaan, waxyaabaha muhimmadda ay leeyihiin awgeed, loo baahan yahay in cilmi-baaris dheeri ah lagu sii sammeeyo.


Gaba-gabada kulanka waxaa laga filayaa in ay:

1. Ka qayb-galeyaashu xog-ogaal u noqdaan xaaladda gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.

2. Kulanka ka soo baxaan qodobbo la isku raacsan yahay, oo muhimmadda ay leeyihiin awgeed, u baahan in cilmi baaris dheeri ah lagu sammeeyo.


For further information, please contact:

CRD/WSP International Mogadishu, Somalia Offcie
002521-658-66/0025259-32497

crdsomalia.org

 
 
Copyright CRD Somalia | Partnership | Useful links | Email Manager | Home |
Designed and hosted By The Web Technology
CRD Objectives Projects Latest News Contact Us Upcoming Events Managment Team