|
CRD
/ WSP International
Muqdishu
3 – 4 Luulyo 2004
Xarunta
Cilmi-baarista iyo Wada-tashiga “CRD”,oo gacan saar
la leh hay’adda Beelaha Dagaalladu Burburiyeen (WSP International),
waxay in muddo ah soo wadday barnaamij cilmi baaris ah, oo ka socday
gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya. Ujeeddada barnaamijka
waxay ahayd in cilmi-baaris lagu sammeeyo waxyaabaha fududeyn kara
ama caqabad ku noqon kara dib-u-dhiska Soomaaliya, dagaalladii sokeeye
ka dib.
|
Hir-gelinta
barnaamijkaan, waxaa sal-dhig u ahaa cilmi baareyaal Soomaaliyeed
oo iskaashi buuxa la sammeeyay dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan
gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
Laga
soo billaabo bishii Jannaayo 2002, koox Cilmi-baareyaal ah,
oo ka socda xarunta “CRD”, ayaa safar ku soo kala
bixiyay, inta badan, kow iyo tobanka gobol ee koofurta iyo
bartamaha Soomaaliya. Waxay soo mareen dhul balaaran, iyagoo
la soo kulmay in ku dhaw 13,000 qofood. Dadkaas tirada badan,
ee ku dhaqan dhulka baaxaddaas leh, waxay si toos ah iyo si
dadbanba u soo bandhigeen dareenkooda, dhibaatada baahsan
ee ku habsatay iyo waxyaabaha loo aaneyn karo in ay sababeen.
Riix
Halkan Sawirka oo Weyn
|
|
Xarunta
Cilmi-baarista iyo Wada-tashiga “CRD”, iyadoo adeegsaneysa
habka cilmi-barista laga wada qayb-galo (Participatory Action Research),
waxay qabaneysaa kunlanka ujeeddada sare ku xusan.
Ujeeddada
ugu weyn ee kulankaan waa in dadka Soomaaliyeed, ee cilmi-baaristaani
khuseyso si buuxda uga baaraan degaan xogta cilmi baarayaashu soo
ururiyeen, codna ku lahaadaan talooyinka ugu dambeeya ee ka soo
bixi doona cilmi baarista.
Cilmi baaristu
waxay diiradda saartay, muddadii ay socotay xog ururinta
1-
Dib-u-dhiska Siyaasadda
Dib-u-heshiisiinta
Qaabka xukunka
Ammaanka
2. Dib-u-dhiska Dhaqaalaha
Dhibaatada ay
dagaalladu u geysteen bulshada
Kaabayaasha dhaqaalaha
(Economic infrastructure)
Gaareynta (Privitization)
3.
Dib-u-dhiska Bulshada
Dhibaatada Bulsho
ee dagaalladu geysteen (Social Cost of War)
Gudbinta iyo
fududeynta Adeegga Bulshada (Social Service Delivery)
4.
Arrimaha Haweenka
Saammeynta dagaallada
sokeeye ku yeesheen haweenka
Isbaddelka doorka
gabdhaha Soomaaliyeed
Ka qayb-galeyaasha
kulanka, waxay ka kala iman doonaan dhammaan gobolladii la soo booqday
muddadii ay cilmi baaristu socotay. Muddada labada maalmood ah,
ee kulanku socdo, ka qeyb-galeyaasha waxaa loo soo bandhigi doonaa
filimo iyo xog laga soo ururiyay koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,
iyagoo fursad u heli doona in ay:
Wax cusub, oo bulshada muhimad u leh, ku kordhiyaan xogta la soo
ban-dhigay.
Ka reebaan, wixii
ay isku raacaan, in aaney bulshada muhiimmad u lahayn.
Isku raacaan,
waxyaabaha muhimmadda ay leeyihiin awgeed, loo baahan yahay in cilmi-baaris
dheeri ah lagu sii sammeeyo.
Gaba-gabada kulanka waxaa laga filayaa in ay:
1. Ka qayb-galeyaashu
xog-ogaal u noqdaan xaaladda gobollada koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.
2. Kulanka
ka soo baxaan qodobbo la isku raacsan yahay, oo muhimmadda ay leeyihiin
awgeed, u baahan in cilmi baaris dheeri ah lagu sammeeyo.
For further information, please contact:
CRD/WSP
International Mogadishu, Somalia Offcie
002521-658-66/0025259-32497
crd@crdsomalia.org
www.crdsomalia.org
|